Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Published: June 4, 2024

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Aw-Cali oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golaha wasiirradiisa ayaa kulan la qaatay Ku-simaha Safiirka China u fadhiya Soomaaliya Amb.CHEN WENDI iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaarada.

Kulanka oo ka mid ah kulammo uu hoggaamiyuhu la qaadan doono dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka inta uu ku gudo jiro safarka shaqo ee uu ku joogo caasimadda.

Kulankan ayaa lagaga hadlay sidii Dawladda Shiinuhu uga qayb qaadan lahayd arrimaha horumarinta iyo gargaarka bani aadantinnimada deegaannadaSSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in Shiinuhu yahay dawladdii ugu horraysay ee deeq soo gaadhsiisa reer SSC-Khaatumo ka dib markii laga saaray maamulkii dhiigyacabka ahaa ee Somaliland, isagoona uga mahadnaqay doorkoodaa shariifka ah.

Ku-simaha safiirka ayaa ballan qaaday inay sii wada doonaan taageeridda dadka Soomaaliyeed gaar ahaan SSC-Khaatumo.

Ugu dambayn, hoggaamiyaha ayaa uga mahadnaqay sida quruxda badan ee ay ugu soo dhaweeyeen safaaradda iyo casuumaaddooda.

Horseed Media