Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Caasimadda Muqdisho

Published: October 6, 2023

Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Jama Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Safarka hogaamiyaha Firdhiye oo ay qayb ka ahaayeen golahiisa fulinta ee maamulka SSC ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey masuuliyiinta dowlada federaalka Soomaaliya iyo shacabweyne aad u tiro badan.

Cabdiqaadir Aw Cali iyo wafdigiisa oo maanta kasoo duulay Laascaanood ayaa ujeedka socdaalkiisu yahay marti uu ka helay Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Arrimaha masuuliyiinta Maamulka SSC-Khaatumo ay u tageen Muqdisho ayaa salka ku haysa siddii maamulkoodu aqoonsi uga heli lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.

Horseed Media