Hogaamiyaha Sudan oo uga digay Qaramada Midoobay in dagaalku uu kusii fiddi karo gobolka

Published: September 23, 2023

Taliyaha ciidamada Sudan ayaa uga digay Qaramada Midoobay in dagaalka bilihii lasoo dhaafay dalkiisa ka socda uu u gudbi karo gobolka, wuxuuna ku baaqay in cadaadis caalami ah la saaro ciidamada isbaheysiga ah ee uu la dagaallamayo, oo ay ku jirto “argagixiso”.

Hogaamiyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, oo ka qeyb galay shirkii Qaramada Midoobay, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay u aqoonsadaan ciidamada (RSF) urur argagixiso iyo in ay beegsadaan maalgaliyayaasha ka baxsan xudduudaha Sudan – isagoo ulla jeeda calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee Ruushka.

“Dagaalkan ayaa hadda khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka iyo tan caalamiga ah iyadoo jabhadahaasi ay taageero ka raadsadeen kooxo argagixiso ah oo ka kala yimid dalal kala duwan oo gobolka iyo caalamka ah,” ayuu yiri Burhaan.

Horseed Media