Hogaamiyaha Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa wadahadal la yeeshay wafdi sare oo ka socda Ukraine oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Andrii Sybiha.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay Jimcihii la soo dhaafay in dalkiisu uu qaybtiisii ugu horreysay oo gargaar cunto ah u diray Suuriya, oo horey saaxiib dhow ulla ahaa Ruushka.
Zelensky wuxuu sheegay in 500 metric tonnes oo bur ah u direen Suuriya taas oo qayb ka ah hindisaha bini’aadantinimo ee Kyiv, iyadoo lala kaashanayo Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay.
Dalka Ukrain oo ah waddan wax soo saara oo caalami ah oo dhoofiya badarka iyo saliida ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dib u soo celiso xidhiidhkii ay la lahayd dalka Suuriya ka dib markii la afgambiyay madaxweyne Bashaar Al-asad oo uu u qaxay dalka Ruushka.
Horseed Media