Hogaamiyaha Xamaas oo ku booriyay dowladaha Muslimiinta in ay hub siiyaan

Published: January 10, 2024

Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa ka hadlayay shir ay isugu yimaadeen culimada Muslimiinta oo ka dhacay dalka Qatar – halkaas oo uu fadhigiisu yahay. Wuxuu u sheegay dadweynihii ka soo qeyb galay shirka in Israa’iil ay “ku guul darreysatay in ay gaarto xitaa hal ka mid ah ujeedooyinkeeda” dagaalka Qasa.

Haniyeh waxa uu ku dooday in weeraradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar “ay yimaaddeen ka dib markii la isku dayey in la aaso qadiyadda Falastiin” iyo – isagoo tixraacaya la haystayaasha lagu haysto Qasa – wuxuu yidhi “Israa’iil weligeed ma soo ceshanayso maxaabiisteeda ilaa ay sii daayaan dhammaan maxaabiisteena”.

Faallooyin dheeri ah oo ay sii daayeen Xamaas, ayuu Haniyeh ugu baaqay dowladaha Muslimiinta ah “in ay ku taageeraan ururka iska caabinta hub, sababtoo ah tani…ma ahan dagaalka dadka reer Falastiin oo keliya”.

Horseed Media