Hogaamiye ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay Jubbaland

Published: November 11, 2020

Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay inay hawlgal ku dileen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al Shabaab.

Taliyaha guutada 11aad qeybta 43 ciidanka xooga dalka G/sare Caddoow Maxamed Sahal ayaa idaacadda ciidamada Qalabka sida u sheegay in howgalka lagu khaarijiyay horjooge Cabdi Ibrahim Saleebaan iyo ku xigankiisa, kuwaasi oo ahaa madaxdii  jabhada Alshabaab ee gobolka Jubbada hoose, waxaana sidoo kale howgalka  lagu dhaawacay saddex maleeshiyo ah.

Hawlgalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobalka Jubbada Hoose, waxayna ciidamada dowlada sheegeen inay ku raadjoogaan tiro maleeshiyaad ah oo goobtaasi ka baxsaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *