Hogaamiye Sare oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobolka Bari ee Puntland

Published: January 27, 2023

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Maraykanka ayaa khamiistii duqeyn diyaaradeed ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish, kadib duqeyn ay ka fuliyeen buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Sarkaal la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Bilaal Al-Sudani oo ka mid ah madaxda Daacish ee ka howlgala Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay “ku guuleysteen howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Soomaaliya”.

Saraakiisha maamulka Biden ayaa sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarka.

Bayaan uu soo saaray Khamiistii, Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin III ayaa sheegay in Mr. al-Sudani “uu mas’uul ka ahaa kobcinta joogitaanka sii kordhaya ee ISIS ee Afrika iyo maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan Afgaanistaan.”

Intii lagu guda jiray wicitaan uu la yeeshay suxufiyiinta galabnimadii Khamiista, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa ku tilmaamay Mr. al-Sudani inuu yahay “fududeeyaha muhiimka ah iyo fududeeyaha shabakada caalamiga ah ee ISIS.”

Sarkaalkan Maraykanka ah ayaa sheegay in sarkaalka lala dilay 10 kale oo ka tirsan Daacish.

Weerarka ayaa ka dhacay god buuraley ah oo fog oo ku yaalla waqooyi Bari Soomaaliya. Sargaalka ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ay u diyaar garoobeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Mr. Al-Sudani balse jawaabtii ay ka bixiyeen saaxiibadiisa markii ciidamada Maraykanka ay soo gaareen godka ay ku jireen ayaa keentay in la dilo.

Maaumlka Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaan ka hadlin dhacdadan.

Horseed Media