Hogaamiyihii hore ee Guinea oo xabsiga ka baxsaday!

Published: November 4, 2023

Kadib dagaal xoogleh oo socday saacado ayaa la sheegay in kaliye-taliyihii hore Mussa Dadis Kamara uu ka baxsaday xabsiga.

Caasimada Guinea ee Conakry gaar ahaa xaafada Kaloum ayuu saaka oo sabti ah ka dhacay dagaal xoogleh.

Maleeshiyaad si aad ah u hubeysan ayaa xoog ku galay xabsiga, Wasiirka Cadaalada ayaa xaqiijiyey in Kabtan Kamara uu baxsaday.

Dowlada Guinea ayaa soo rogtay xaalad deg deg ah waxaana la sheegay in gebi ahaan la xiray xaduudaha dalkaasi.

Kabtan Mussa Dadis Kamara ayaa xukunka ku qabsaday afgembi 2008, waxaana lagu eedeeyey xasuuq ciidamadiisa ay u geysteen dad mudaharaadayey 2009.

Kadib muddo uu ku noolaa dalka Burkina Faso wuxuu Kamara dib ugu noqday Guinea dhamaadkii sanadkii 2021.

Horseed Media