Isbahaysiga mucaaradka Kenya oo toddbaadyadii lasoo dhaafay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda madaxweyne Ruto waday ayaa…
Isbahaysiga mucaaradka Kenya oo toddbaadyadii lasoo dhaafay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda madaxweyne Ruto waday ayaa shaaciyay inay hakiyeen dibadbixii maanta lagu waday inay ka dhigaan qeybo kamid ah dalka Kenya.
Arrintan ayaa ka dambysay kadib markii Madaxweyne Ruto uu goor sii horaysay uu hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ugu baaqay inuu joojiyo dibadbaxyada.
Sidoo kale arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay wadaan beesha caalamka oo Maraykanka uu kamid yahay ee ay dhinacyada ugu baaqayaan inay khilaafka wadahadal ku dhameeyaan.