Hoggaamiyaha Xamaas Haniya oo reer Galbeedka ugu baaqay joojinta maalgelinta ‘Xasuuqa’ Gaza

Published: November 2, 2023

Ismail Haniya ayaa sheegay in hadii wadahadal la rabo ay tahay in la joojiyo marka hore xasuuqa ka socda Gaza.

Wuxuu ku eedeeyey Raysalwasaaraha Israel Netanyahu inuu dagaalkan uga danleeyahay siduu isaga sii jeedin lahaa culeyska iyo fadeexadaha ka heysta gudaha maamulkiisa.

Ismail Haniya ayaa dalalka maalgeliya Israel ugu baaqay inay joojiyaan xasuuqa kasocda Gaza hadii ay doonayaan in xal waara la gaaro.

Xukuumada cunsuriga ah ee Israel xadgudubka ay ku heyso xaquuqda iyo goobaaha cibaadada Falastiiniyiinta ayaa ah mid sababtay qaraxa dagaalkan, isagoo sheegay inay arrintaasi horey uga digeen.

Maxaabiista

Xamaas ayaa sheegtay in ay diyaar u ahaayeen inay siidaayaan maxaabiista ay heystaan, hadii Israel ay sii deyso in ka badan 6 kun oo maxaabiista shacabka Falastiin oo ay xabsiyada ku hayaan. Balse dhinaca Israel ayaa diiday, sida uu sheegay Md.Haniya

Hogaamiyaha Xamaas ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka dalalka reer Galbeedka jooga inay sii wadaan mudaharaadka lagu cadaadinayo wadamadaas inay joojiyaa taageerada ay u hayaan gumeysiga Israel.

Horseed Media