Hoggaamiyihii ururka Daacish oo lagu dilay dagaal ka dhacay Syria

Published: December 1, 2022

Afhayeenka ururka Daacish oo warbaahinta la wadaagay fariin cod ah ayaa sheegay in dagaal dhowaan ka dhacay lagu dilay Hoggaamiyihii ururkaas Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi.

Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee kooxda Daacish ee la dilo sannadkan gudihiisa, xilli ay kooxdani isku dayayso inay dib u soo celiso awoodeedii, iyada oo unugyo khaas ah oo ka tirsan kooxdani ay weeraro dhimasho badan dhaliya ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Syria.

Sidoo kale garabka kooxda Daacish ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa iyaguna bilahan u dambeeyey waxay sheegteen inay geysteen weeraro badan oo ay ku laayeen tobanaan qof.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in al-Qurayshi in la dilay badhtamihii bishii October, iyada oo lagu dilay hawlgal ay qaadeen ciidamada mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Koonfureed ee Daraa.

Hase ahaatee illaa haatan lama garanayo sababta keentay inay bil iyo badh qaadato in la shaaciyo geerida hoggaamiyaha Daacish.

Codka ay baahiyey ururka Daacish oo lagu baahiyey barta isgaadhsiinta ee Telegram ayaan xog badan lagaga bixinin hoggaamiyaha cusub ee kooxda, hase ahaatee afhayeenka kooxdaas ayaa codka uu soo duubay ugu baaqay xubnaha ururku inay bayco la galaan hoggaamiyaha cusub.

Hoggaamiyihii Daacish ee al-Qurayshi ayaa ahaa shakhti aan wax badan laga aqoonin, wuxuuna hoggaanka kooxda Daacish la wareegay bishii February ee sannadkan, ka dib markii ay Maraykanku dileen hoggaamiyihii hore ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.

Waxaa la rumaysan yahay in magacyada ay qaateen labadan hoggaamiye inaanay ahayn kuwooda rasmiga ah.

Horseed Media