Hoobiyaal lagu weeraray Dhuusamreeb xili loo diyaar garoobayo shirka

Published: February 2, 2021
Xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug

Habeenkii xalay ayaa dhawaaqa hoobiyaha laga maqley magaalada Dhuusamareeb xilli ay ku sugan yihiin, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cadullaahi Farmaajo iyo Raysalwasaare Rooble, sidoo kale ay ku sugan yihiin qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada kuwaas oo isu diyaarinaya shirka maanta ka furmaaya Dhuusamreeb.

Waxaa wararku sheegayaan in Hoobiyaashu ku dhaceen meelo kala duwan oo magaalada gudaheeda ah, waxaana qaarkood ay ku habsadeen xaafado dad rayid ah degan yihiin inkasta oo aysan geysan khasaaro weyn.

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhaawacmey rasaasta hoobiyaasha ee xalay lagu weeraray Dhuuusamreeb.

Ciidamada amaanka oo aad u hubeysan ayaa magaalada dhinac kasta uga baxay saakey, waxaa la xirey waddooyinka oo dhan, dadka looma oggola in ay dariiqyada u soo abxaan oo waxay ku sugan yihiin guryahooda, sidoo kale magaalada gudaheeda ayaa ciidamo badan soo galeen oo bilaabey baaritaano.

Malayshiyaadka al-Shabaab ayaa ka soo duuli kara meelo ku dhaw kuwaas oo qiyaastii u jira 30km, waxaana ay mararka qaarkood uga soo dhawaadaan intaas, waxaana ay weerar ka geyssan karaan garoonka diyaaradah oo magaalada u jira 8km.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *