Hoobiyayaal lagu tuuray Xalane iyo xaafadaha Muqdisho

Published: April 26, 2020

Ugu yaraan 4 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen duqeyn madaafiicda hoobiyaha oo subaxnimadii Axada lala beegsaday xaafada Waaberi iyo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hada tirada dadka la xaqiijiyey inay ku dhinteen duqeynta ayaa ah afar ruux oo ka tirsanaa qoys ku nool xaafada Waaberi oo uu gurigooda ku dhacay mid kamid ah illaa 7 hoobiye oo weerarkan loo adeegsaday.

Kooxda Al Shabaab ayaa horey u sheegatay weerarada noocaan ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaanse la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeynta ee dhinaca xarunta Xalane oo ay ku yaalaan saldhigyada AMISOM.

Warbaahinta Muqdisho ayaa sidoo kale baahisay in khasaare ka dhashay madfac kale oo ku dhacay xero lagu xanaaneeyo Geela oo maagalada ku taal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *