Hoobiyihii al-Shabaab ee Dhuusamareeb lagu weeraray oo la qabtey -SAWIRO

Published: February 5, 2021

Mar kale ayaa habeenkii xalay oo Jimcada magaalada Dhuusamareeb lagu soo weeraray Hoobiyaal kuwaas oo ku dhacay daafaha magaalada iyo gudaha. Ciidamada Gorgor ee xoogga dalka oo u diyaarsanaa ayaa helay kooxdii weerarka ka danbeysey ee Malayshiyadka al-Shabaab.

Taliyaha guutada 15aad ee ciidanka Gorgor Maxamed Dhagaweyne ayaa soo sheegay in ay dileen ugu yaraan 8 malayshiyaadka al-Shabaab oo watey Gaari Toyota Hilux ah oo koonfurta looga yaqaan Qooqan, waxaana ay gacanta ku dhigeen gaarigii, Qoriga Hoobiyaha ee magaalada lagu soo weeraray, meyadadka 8 al-Shabaab ah iyo laba nolol lagu qabtey.

Habeenimadii 2 Feberaayo ayaa kooxdan magaalada ku soo tuureen rasaasta Hoobiyaha, kuwaas oo baxsadey markiiba, waxaana habeenkaas magaalada ku sugnaa qaar kamid ah madaxda Dowlad goboleedyada dalka, Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.

Ururka a-Shabaab ayaa ka taliyo qaybo badan oo kamid ah gobolka Galguduud.

Dhuusamareeb waxaa ka socda shirkii ugu danbeeyey ee lagu xalinayo caqabadaha hortaagan taabbo gelinta heshiiskii 17 September 2020.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *