Hooyo Soomaaliyeed iyo laba gabdhood oo midna ay dhashey midna walaasheed u dhashey ayaa si arxandarro…
Hooyo Soomaaliyeed iyo laba gabdhood oo midna ay dhashey midna walaasheed u dhashey ayaa si arxandarro ah loogu diley magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa aad uga naxay dilka hooyadan Soomaaliyeed iyo gabdhaheedi oo meydadkooda laga helay meel kamid ah Nairobi iyaga oo si xun loo dilay kaddibna la jar jaray.
Booliska Kenya ayaa sheegay, in hooyada lagu magacaabi jiray, Waris Daa’uud iyo gabahdeeda Amina Cabdirashid oo 21 jir aheyd iyo Nuseyba Dahir oo 12 jir ah.
Wararka ayaa sheegaya in ugu oreyn la afduubtey hooyada kadibna ay la soo xiriirtey gabdhaha oo u sheegtey in ay isbitaal joogto, isdaasna gabdhuhu ku qaateen Uber goobtaas oo noqotey meesha lagu diley dhamaantood, sidoo kale warar ayaa sheegaya in Taksiilihii qaadey isagana la diley.
Goobaha ganacsiga ee Islii ayaa xiran, iyada oo saameyn ay ku yeelatay dhacdadan argagaxa leh.
Qoyskan ayaan la ogeyn ilaa iyo hadda cidda ka dambeyso dilkooda.
Dhanka kale Booliska ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegeen inay soo bandhigi doonaan natiijada baaristooda.
HORSEED MEDIA