Horjoogayaal ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Published: January 31, 2024

Hawlgal ay iska kaashadeen hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya oo laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee gobalka Hiiraan, ayaa lagu dilay 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlanaa Uruurin baadda shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamiga ah, ayaa deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ka fulisay howlgal lagu bartilmaameed saday Horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo la beegsaday xilli ay ku Saraayeen labo Gaari kaddib markii ay tababar ku dhammaysteen deegaanka Buq-aqable.

Hawlgalkan oo la fuliyay 28-kii bishan Janaayo ayaa lagu guulaystay in lagu soo Afjaro horjoogeyaal lagu raad joogay,kuwaas oo muddo dheer ku hawlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna magacyadoodu kala yihiin:-

1- Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo ahaa Horjoogihii Baadda shacabka u qaabilsanaa Khawaarijta Degmada Jalalaqsi.

2- Buulle Kabey oo ahaa Horjoogihii Gaadiidka Khawaarijta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

3- Maxamed Abuukar oo ahaa Horjoogihii Baadda Shacabka ee Deegaanka Ceel-Cali Gobolka Hiiraan.

4-Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii Baadda shacabka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

5- Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaarada Khawaarijta u taalo deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan.

6- Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qaybaha baadda iyo boobka dhaqaalaha Shacabke ee Khawaarijta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.