Howlgal ka dhan ah Ciyaal weero oo laga sameeyey Degmo katirsan G. Banaadir.

Published: April 24, 2022

Ciidamada amniga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa howlgal balaaran oo ka dhan ah Ciyaal Weero oo dhibaato ku heysay dadka shacabka ah ka sameeyay xaafado kamid ah degmadaasi.

Howlgalka oo qaatay saacado badan waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliska degmada Kaaraan Gaashaanle Salaad Caraale Cali iyo Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan).

Ciidamada amaanka ayaa u suura gashay iney gacanta ku soo dhigaan qaar kamid ah raga ku lugta lahaa falkan, kuwaasoo la geeyay saldhigga booliska degmada.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan) oo la hadlayay warbaahinta howlgalka kadib ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeyay ay si adag ula dagaalami doonaan kooxahan, wuxuuna digniin kama danbeys ah siiyay waalidiinta dhalinyarada ficiladan ku lugta leh.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa maalmihii dambe ku soo badanayey Ciyaal Weero dhac, dil iyo dhibaatooyin kale u geysnaya bulshada ku nool qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *