Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan xalay ka fuliyay deegaanka Garilow hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayay ciidamada ku dileen laba kamid ah kooxda Al-shabab, waxana ciidamada ay gacanta ku dhigeen hubkii iyo Mooto ay wateen maleeshiyaadka la dilay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyagoo sheegay in la-sii-wadi doono howlgallada lagu baacsanayo kooxdan.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka wada hawlgalada lagu wiiqinayo awooda kooxda Al-shabaab oo ku sugan dhulkaasi.