Howlgal loogu magac daray Qof iyo Guri oo laga bilaabay Magaalada Muqdisho 

Published: January 25, 2023
Shares20

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka billaabay howlgallo lagu sugayo amniga caasimadda.

Howlgalka ayaa si gaar ah lagula dagaalamayaa walxaha maanka dooriya iyo raadinta hubka sharci darrada ah.

Howlgalkaan ayaa waxaa loogu magac daray Qof iyo Guri.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka faray in ay xoojiyaan sugidda amniga Caasimadda maadaama Al-shabaab laga qabsaday deegaanno katirsan Gobollada Dalka si looga hortago weeraro ay ka geysan karaan.

Horseed Media