Howlgalo oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Jamaame

Published: April 20, 2024

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay jiinka wabiga Jubba ka wadeen Ciidamada Kala duwan gaar ahaan kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland  ee Guutada gurmad Qaran ayaa baadi goob ugu jiray goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al Shabaab.

Howlgalkan ayaa ka dhacay tuulooyinka ku teedsan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Sida ay warisay warbaahinta dowlada howlgalkan ayaa lagu dilay 50 maleeshiyo ah iyo tiro kale oo dhaawacmay, waxaa kaloo howlgalkan lagu qabtay tiro maxaabiis ah, ciidama ayaana fashiliyay tiro miinoyin oo lagu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Howlgalkaan oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamadda dowladdu waxaa ay ku dileen horjoogayaal muhiim u ahaa argagixisada, waxaana ka mid ah, Horjooge Caana-Nuug Sheeq Nuur oo khawaarijta u qaabilsanaa miinada iyo Horjoogaha kale ee lagu magacaabo Sheeq Xuseen.

Horseed Media