Howlihii shidaal qodista Puntland oo si habsami leh u socda

Published: February 4, 2012

Waxaa maalintii 19-aad galay howlaha shidaal qodista ee laga wado dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

Siciid Faarax Yare oo ah mas`uul ka tirsan shirkadda shidaal qodista wada ee Africa Oil oo maanta si kooban warbaahinta Horseed Media xafiiskeeda magaalada Boosaaso ula hadlay ayaa ka warbixiyey halka ay wax marayaan.

Mr Siciid wuxuu sheegay in Riiggii qodaalka wadey uu dhulka dalooliyey masaafo gaareysa 1100m, isagoo intaas ku daray in saadaashu ay ka weyntahay intii ay horay u ahayd, laguna rajo weyn yahay in la gaaro natiijo aad loogu farxo.

Siciid Faarax ayaa dhinaca kale mar aan wax weydiiney tirada dadka Soomaalida ah ee fursadaha shaqo ka helay howlaha shidaal qodista ee ay shirkadoodu wado sheegay inay jiraan dhalinyaro aad u tira badan oo ka shaqeeya inkasta oo uu ka gaabsaday inuu sheego tirada guud ee dadka ay Africa Oil shaqaaleysey.

16-kii bishii lasoo dhaafay ee Jen/2012 ayey ahayd markii ugu horeysey ee dooxada Dharoor ee Puntland laga bilaabay qodaalka ceelkii ugu horeeyey ee shidaal laga soo saarayo Soomaaliya, waxaana sahan hordhac ah oo la sameeyey lagu ogaadey in goobta shidaalka laga qodayo uu ku jiro keyd gaaraya in ka badan 2-Bilyan oo Fuusto.

 

Horseed Media