IGAD oo Amar Culus Dul Dhigtay Dowladda Koonfurta Suudaan

Published: November 11, 2019

Shir aan caadi ahayn oo wasiiradda arrimaha dibada ee urur goboleedka IGAD ay yeesheen ay ku amareen dowladda koonfurta Suudaan in ciidamadeeda ay ka saarto degaamada dadka rayid ahi degan yihein.

War-murtiyeed ka soo baxay shirkaas 69aad ayaa lagu sheegay in IGAD ay ka walaacsan tahay Ciidamada milateriga ee dowladda Suudaan ee ku sugan degaamada iyo magaalooyinka ay shacabku degan yihiin.

Wasiiradda IGAD waxay sidoo kale careen wakiilka ururka u qaabilsan Koonfurta Suudaan Ismail Wais oo kaashanaya Guddiga loo xilsaaray ilaalinta xabad joojinta iyo la socodsashada geedi socodka nabada ee koonfurta Somaliya inuu ku qabto caasiamddad Jubba shaqo howleed lagu diyaarinayo Roadmap muddy 100 maalmood looga saaray ciidamadaasi goobahaasi.

Shirkan waxaa Somalia uga galay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibada Cabdiqaadir Axmed Khayre, sidoo kale waxaa ka qaybgalay wasiiradda arrimah dibada Kenya, Itobiya, Suudaan, Jabuuti, koonfurta Suudaan, Jabuuti iyo Ugadha

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *