IGAD oo Dowlada Federaalka ugu baaqday xalinta khilafaadka doorashada

Published: December 21, 2020

Shirkii 38aad ee IGAD ayaa warmurtiyeedkii maanta laga soo saaray looga hadlay arrimaha khilaafaadka ka taagan doorashada Soomaaliya, iyadoo urur gobaleedka ugu baaqay xukuumada Soomaaliya inay wadahadal la gasho Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka IGAD ayaa qeybta looga hadlay arrimaha Soomaaliya lagu sheegay in la hirgeliyo heshiiskii arrimaha doorashada ee 17kii September, iyadoo la faray in isu tanaasul iyo wadahadal saamileyda lagu gaaro xalinta khilaafaadka weli jira.

Dhinaca kale waxaan warmurtiyeedka gebi ahaan lagu soo darin khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ay dowlada Soomaaliya codsatay in shirkan looga hadlo.

Hoos ka akhriso qoraalka IGAD:

Khalid Yusuf

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *