IGAD oo taageeray codsiga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka

Published: December 1, 2022

Wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD ayaa aqbalay codsi uu jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer saaran. 

Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa ka sheegay shirka 48-aad  ee wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo maanta ka dhacay Khartoum  in cunaqabataynta hubku caqabad ku tahay qorshaha dowladdiisa ee ah Soomaaliya Nabadgelyo ah oo Xasiloon, wuxuuna ka codsaday inay IGAD garab istaag buuxa siiso qorshaha dowladda Soomaaliya ee Golaha ammaanka mar kale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka. 

Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah lagu qaybsado maadaama Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii asaasay ururka aysan hellin saamigii ay xaqqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba. 

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururrada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto  qorshaha dowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka.

Horseed Media