IILKA KII DHIGAY U DACWOOTOOY [Opinion]

21 February, 2012

Qalimkii: C/qaadir Maxamed Nuur Hordhac Qormadaan in aan qoro waxaa igu kalifay, markaan arkay sida ay…

Qalimkii: C/qaadir Maxamed Nuur

Hordhac

Qormadaan in aan qoro waxaa igu kalifay, markaan arkay sida ay dowlada Ingiriiska oo loo yaqaanay Dawacii Duqa ahaa (waayo sida Dawacada ayuu u dhagar badan yahay, isla markaana isagaa ugu weynaa gumestayaasha uguna gumeysi ballaarnaa) u rafaadinayo Ummadda Islaamka ah iyo sida aysan dadka Muslimka ahi u ogeyn oo ay cawa iyo ayaanba udaba roorayaan ayna umoodayaan in uu wanaag u waddo. Qaar badan oo ka mid ah dadka sheegta in ay udagaalamaan xuquuqda dakaa Muslimka ah xarumahoodu waxay ku yaalaan London, waxa dhibka badayna waa dowlada Ingiriiska oo gacanta ugalisay dhulakoodii dowlado iyo dad gaala ah, isagoo aan wali ka daalin Ingiriisku hagardaamooyinkaas uu u maleegayo Islaamka iyo dadkiisa. Meelaha uu haaraha xun-xun uu u geystay waxaa ka mid ah: dadka reer Falastiin, dadka Kashmiir iyo dadka Soomaaliyeedba.

Qormadaan kaga aan hadli maayo xasuuqa, ciqaabta, silica iyo rafaadka ay mariyeen dadkaa Islaamka ah cadowgii uu Ingiriisku gacanta ugaliyay ee Israel, India, Ethiopia iyo Kenya-ba, waayo hal maqaal ah laguma soo koobi karo, laakiinse haddii Alle idmo qormooyinka dambe ayaan kusoo gudbin doonaa.

Dhanka kale qormadaan waxay kusoo begantahy iyadoo baryahaan la hadla hayo shir la leeyahay waxaa loo qabanayaa Soomaalida waxaana qabanqaabinaysa dowlada Ingiriiska oo London buu ka dhacayaa. Dowlada Ingiriiska iyo wixii la aynaba ugamaanan baran in ay wanaag ka shaqeeyaan marka ay joogto Ummadda Islaamka gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed marka maxaa isbadaly!? Mise dano kale ayaa jira oo loo soo kala tartamayo dalkaan hodanka ah laakiin dadkiisu beerka dhagaxu ugu xiran yahay, kadib markuu Erdo─ƒan-ka Turkey-gu Somalia indhaha caalamka usoo jeediyay xaqiijiyayna in Soomaaliya la tagi karo waxna lala qabsan karo.

Palestine

Dadka reer Falastiin wuxuu gacanta ugaliyay dhulkoodii Yuhuud. Qarnigii 19-aad dhamaadkiisii waxaa bilowday gumeysiga iyo xoog kusoo degida dhulka Falastiin iyo dib usoo cusbooneysiinta luuqada Cibriga oo ah luuqada ay ku hadlaan dadka Yuhuudu, hawshaa waxaa waday waxa loo yaqaano SAHYUUNIYADDA (Zionism) oo ahaa dhaqdhaqaaq ururiya yuhuuda adduunka ku nool, ujeedadooda iyo siyaasadooduna ahayd aasaasida iyo horumarinta qaran Yuhuudu leedahay oo laga sameeyo dhulka Falastiin. Dhaqdhaqaaqaas oo ilaa hada jira kadib asaaskii iyo dhisidii dowlada gar-darada ku dhisan ee Israel.

Dhaqdhaqaaqa waxaa si cad u taageerasay dowlada Ingiriiska intii lagu guda jiray Dagaalkii Koowaad ee Aduunka wuxuuna ku cadaa bayaankii la magac baxay Balfour ee soo baxay sanadkii 1917 (Balfour Declaration of 1917) Arthur James Balfour wuxuu ahaa xubin aad loo sharfo oo ka tirsanaa Xisbiga Muxaafadka ee Ingiriiska (Conservative Party), Balfour waxa uu ahaa ninka dowlada Ingiriiska wakiilka uga ahaa howshaa iyada ah, wuxuuna noolaa intii udhaxaysay 1848-1930. Waxaa kale oo jiray bayaankii kale ee soo baxay 1919 ayna soo diyaariyeen Ururka Sahyuuniyadu ee la magac baxay Shir-weynaha Nabadda ee Paris (Paris Peace Conference in 1919), laakiin aan nabad ahyne ahaa duudsiisn dad kale xaqood.

Ingiriisku bil kadib waxuu qabsady Qudus, wuxuuna si rasmi ah ula wareegay maamulka Falastiin 1922 kadib dumidii Khilaafadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta . Falastiiniyiintii dhulka daganayd waxay abaabuleen dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan Ingiriiska sanadihii 1920, 1929 iyo 1936. Sanadkii 1947 Kadib dagaalkii II-aad ee dunida iyo xasuuqii uu Nazi-gii Jarmalku ugeystay dadkii Yuhuuda ahaa ee ku noolaa Yurub intii u dhexaysay sanadihii 1941-1945 dowlada Ingiriisku waxay shaaca ka qaaday sida ay u rabto inay usoo gabagabayso Maamulkeedii dhulka Falastiin, ujeedadooduna waxay ahyd si ay Yuhuuda ugogol xaaraan meeshana ugu baneeyaan, waayo sida cadayd Yuhuudu ma haysan awood ay ku qabsadaan Falastiin laakiin waxaa toos utaageeraysay dowlada Ingiriiska iyo Maraykanka oo markii dambe la wareegay naas-nuujintooda iyo barbaarintoodaba.

Iyadoo ay dabada ka riixayaan dowladahaa aan kor kusoo xusay ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay wuxuu u codeeyay in dhulka Falastiin loo qaybiyo dowlad Yuhuudu leedahay in dowlad Carabtu leedahay. Hogaankii Yuhuudu waa aqbalay laakiinse gudigii sare ee Carabtu waa diiday, si degdeg ah ayaa waxaa u qarxay dagaal Israel-na waxaa lagu dhawaaqay sanadkii 1948. In ka badan 700,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka carary guryahoodii iyo hantidoodii dagaalkaa darti, kuwaas oo ilaa maanta aan kusoo noqon karin aqalladoodii iyadoo la raacayo shir-eynihii ka dhacay magaalada Lausanne ee dalka Switzerland 1949 (Lausanne Conference, 1949).

Wixii intaas ka dambeeyay waa la ogaa wixii dhacay, in ay yuhuudu isku qabsatay dhamaan dhulkii Falastiin iyo waliba dhul kale oo carabtii kale ay lahaayeen dagaalkii 6-da maalmood ee dhacay 1967, kadibna ay bilowday siyaasada deegaameynta ee dadkii dhulka lahaa laga dhaxal wareejinayo lana dejinayo Yuhuud soo haajidhay.

Iyadoo laga wada dharagsan yahay waxaas oo lug-gooyo ah oo Ingiriisku ku sameeyay dadka reer Falastiin ayay hadana daba roorayaan oo loo sameeynayaa hishiisyo been-been ah oo waqtga looga dhuminayo, waxaa layiri: “Nin kudilay Har kuuma jiido“.

Kashmir

Sidoo kale dadka Muslimiinta ah ee reer Kashmiir dhulkoodii wuxuu gacanta u galiyay intii ugu weyneyd Hinduuska kadib markuu laba ukala qaybiyay. Dhibaataduna waxay ahayd asalkeedu markuu arkay Ingiriisku in dalkii India ee uu gumaysanayay uu laba u qaybsamayo (India iyo Pakistan) ayuu wuxuu ka xumaaday in dadkaas Muslimiinta ah ee reer Kashmiir ay lamidoobaan walaalohooda Pakistan. Dadka reer Kashmiir oo ahaa dad aad sabool u ah ayaa sanadkii 1846 waxaa Ingiriiska ka iibiyay dhulkoodii nin Hindi ah oo xukumi jiray oo la oran jiray Maharaja Hari Singh.

Labada dal ee Pakistan iyo India kadib xoriyadoodii dagaal ayaa ka dhex qarxay sanadkii 1948, arintii waxaa soo dhex galay waxa loo yaqaano Qaramada Midoobay waxaana xabad joojin la gaaray sanadkii xigay ee 1949, waxaana lagu dhameeyay in Kashmiir lookala qaybiyo labada dal. Labada dal dhowr jeer bay ku dagaalameen gobolka sida 1947, 1965 iyo 1999, marka laga reebo 1971 oo Pakistan si xun loogu jabiyay dagaalkii ay kaga go`day Bangladesh oo Hindudu Bangladesh-ka taageeraysay.

Dowlada Pakistan waxay ku dooday in dadka ku nool Kashmiir badankoodu yihiin Muslimiin, saa daraadeed ay haboon tahay in iyaga la raaciyo ama laga qaado afti ay kaga tashanayaan aayohooda ayna kor meerto Qaramada Midoobay, laakiin dowlada India waa qaadacdaa mar walba, sababtoo ah waxay ogtahay waxa kasoo baxaya, iyadoo dadka reer Kashmiir yihiin 99% Muslimiin raba in ay raacaan Pakistan.

Waxaa wax lala yaabo ah in dad sheegta in ay u dagaalamaan xorriyada Kashmiir ay xarumo ku leeyihiin London ayna mar walba taageero weydiistaan dowlada Ingiriiska, waxaa layiri: “Nin kudilay Har kuuma jiido“.

Somalia

Dadka Soomaaliyeed wuxuu u geystay dhibaatooyinkaas oo kale iyo kuwo kasii daran isagoo dhulkoodii qayb weyn oo ka mid ah hadiyad u siiyay Ethiopia iyo Kenya. Dhulka Galbeedka Soomaaliya wuxuu gacanta ugaliyay Ethiopia, isagoo uu jiray hishiis qarsoodi ah oo dhex maray Ingiriiska iyo Itoobiya 1897 laakiin aysan Soomaalidu ka war qabin. Shirkii London ee laqabtay 1945 kadib markii xoogagii Isbahaysigu (USA, Britain, France, Russia IWM) ay ku guulaysteen Dagaalkii II-aad ayuu Boqorkii Ethiopia ee Haile Selassie isagoo gaalnimada (Christianity) ku beer-laxawsanaya ka tuugay ama ka baryay dowladihii meesha isugu yimid in lagu daro Ogadenia iyo Eretria dhulka Itoobiya. Ogadenia waxuu Ingiriisku Itoobiya ku wareejiyay 1948 halka Hawd iyo Kayd (Reserved area)-na uu raaciyay Xabashida 1954.

Dhulka kale ee uu hadiyayda u bixiyay wuxuu ahaa dhulka Soomaaliyeed ee NFD (Magaca waxaa laga soo gaabiyay Northern Frontier District oo ah Degmada Xadka Woqooyi, ahaydna xadkii u dhexeeyay labada gumeyste ee Ingiriiska oo Kenya gumaysanayay iyo Talyaaniga oo K/Soomaaliya gumaysanay). Gumeystihii Ingiriisku wuxuu go`aansady in uu si qasab ah dhulkaa ku raaciyo Kenya oo uu xornimo siiyay 1963 inkastoo 1) ay jireen banana baxyo iyo diidmo guud oo ay dadka gobolku kaga soo horjeedeen go`aankaa, ayna si aad ah urabeen in ay ku biiraan lana midoobaan walaalohooda Soomaaliyeed iyo dowladii cusbayd ee Soomaaliya ka dhalatay 1960-kii ee Jamhuuriyada Soomaaliya, iyo 2) xaqiiqada in NFD ay ahayd walina tahay mid dhamaan dadkeedu asal ahaan kasoo jeedaan Soomaali.

Iyadoo uu Ingiriisku godobtaa xun uu naga galay ayaa waxaa ayaan daro ah in dad ku andacooda in ay u halgamaan qaddiyada dhulalkaa gumeystaha madow haysto ay xarumo ay ku leeyihiin London, waxaa layiri: “Nin kudilay Har kuuma jiido“.

Waana meeshii uu Ninku kala lahaa:

Jawaan xalay tagay kiish u sidatooy
Marykay waydana war-wareegtooy
War aan loo dirin wal-walaaqdooy
Iilka kii dhigay u dacwootooy!

Intaas oo kaliya noogama harin ee labadii qaybood ee ka xoroobay dhulkii Soomaaliyeed ayuu wuxuu ka shaqeynayaa siduu ukala goyn lahaa isagoo adeegnaya kuwo wax magarato ah oo aan caqli lahyn oo aan ka fakarayn danta dadkooda, dalkooda iyo diintooda waayo midnimada waxa lagu waayay lagu heli mayo kala taga.

Talo xumada iyo mirin-habowga ku dhacday qolayahaas waxay lamid tahay Ninkii ama Naagtii lagu dhaho orodaa Ninkaaga ama Naagtaada iska soo fur kadibana anaa ku guursanaya ama waa isguursnaynaa, markuu falkaa xun ee doqonimada ah uu fuliyana lagu qoslo oo lagu jeesjeeso laguna dhaho kaalay marka gurigayga ka shaqee, dhab ahaana waa dhacday waayo wadankeenii intaan baabi`inay ayaan hada waxaan ka shaqaynaa gurigii cadowgeena, isagoo noo sameeyay qaxootinimo iyo dhalashooyin been-been ah oo uu rabo in aanan mar dambe xasuusan wadankeenii ama aanan midoobin, waayo mar walba waxaad ku tahay dhulkaas aadan lahayn (Second class citizen).

Shaqooyinka Ibliiska weyn ee janada Aabeheen iyo Hooyadeen (Aadan iyo Xaawo) kasoo saaray uu ugu jecelyahay waxaa kamid ah in reero meel degan la burburiyo oo Nin iyo Naag lakala furo, waayo wuxuu ogyahay waxa ka imaan kara oo fowda iyo macsi ah. Waxaa saasoo kale ah dadka raba in ay buburiyaan ama kala geeyaan qaran ishaysta iyo dad wada dhashay ileen qaranku waa qoysas isu tagaye.

Kuwa u tafa xaydanaya shirka London waxaaan la yaabanahay waxay mar walba yiraahdaan waa hishiinay iyagoo maarar badan shirar isu yimid oo ay ugu dambaysay labadii jeer ee ay iskugu yimaadeen Garoowe, ma naftooda ayaysan ku kalsoonayn maxay ka doonayaan dal shisheeye waaba isku yimaadeen waxayna leeyihiin waa hishiinaye. Dhibaatooyinkaas aan kasoo waramay iyo kuwa kaloo badan mar walba cadowgu isagoo kaligiisa ma maleegayn ee daabku innaga ayuu ahaa. Waxaa layiri geed baa yiri: “Gudinyahay ima goyseene gabalkay baa kugu jira“.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa Maqaalkaygaan Gabayga HABAAR QARAN ee uu curiyay (allaha unaxariistee) Abwaankii caanka ahaa ee soomaaliyeed C/qaadir Xirsi Yamyam sanadkii 1988. Abwaanku sida uu sheegay waxa uu gabayga ku habaarayaa dowlada Igiriiska oo uu leeyahay dhibaatadii ka dhacday dalkeena Soomaaliya iyo waliba meelo badan oo Aduunka ka mid ah isaga ayaa mas`uul ka ahaa hor iyo dababa, waayo markii hore waa uu gumaystay oo uu gumeeyay dadkii, hantidoodiina waa dhcay, markii dambe ee ay iska kiciyeena iyagii buu iska hor keenay oo hub iskugu dhiibay xaasadnimo daraadeed iyo in aysan madaxa qaadin. Gabayga oo dheeraa darti waxaan kasoo qaatay dhowr tudcood oo tilmaamaya dhibaatooyinkaas:

Ingiriisku waa horror

Isticmaarka ku hadlee

Hidihiisa nacabkiyo

Wacay hilimadiisii!

 

Waaguu nahodayee

Naga dhigay shan haybood

Inuu naga haraan qabay

Laakiinse hoogaha

Howshiisa ii taal

Illeen waanan hadinine

Tan hadhee dambaa daran!

 

Awal buu nin hanad iyo

Waxyaqaan halgama iyo

Geesi hiilla gala iyo

Hebel iga dhammeeyee

Hambadiina maantuu

Wixii haray kukala kacay!

 

Maharsade e dhagar qabe

Halaq iyo dugaag iyo

Haldhajiyo abeesiyo

Kuwa hoogay oo ba`ay

Hammi laawayaal buu

Hub intuu kusoo roray

Ku hogaamiyoo yiri

Hoygiina soo guba!

 

Sidaa haadku ii cunay

Ii hambaday waraabuhu

Halista iyo geerida

Maanta igu hawaarsaday

ENGLAND baan u haystaa!!!

 

Hororada iyo Eeyaha

Afka cudurku uga haro

Inaad haabadood tahay

Jawaab weeye laga helay

Fal ku howlgalkaagii!

 

Burcadaad hubaysaa

Shuftidaad uhadashaa

Wixii hoog kataliyee

Aadanaha halligayaad

Hantidaada siisaa!

 

Qarni iyo hal iyo laba

IRELAND waxaad ku haysaa

Aduunyadu ka hadashaa!

NAMIBIA habkaagii

Haraagiyo dhibka ahaa

Eed ku hodday baa wali

Dabku uga huraayaa!

 

Wadka waxaa kasoo hara

Wadne madaxi haystee

Dhimashadu halkeedee

Hadda laba qof baan nahay!

 

Illaa tan iyo haabiil

Haybta aadmni sheegtiyo

Hilba ma aan wadaagnoo

Hor allaanu kala nahay!

 

Inaan kuu hilooboo

Maalin qura ku haybshaa

Iga haniya weeyaan!!!

 

(waxaan kasoo xigtay isagoo maqal ah: www.doollo.com)

AFFEEF: Waxaan ka cududaarnayaa hadaan gabayga ereyadu siday ahaayeen aan khalday qaar ka mid ah, waayo isgoo qoraal ah ma aanan helin.

ILAAHAY waxaan ka baryayaa in uu naga saaro mixnadaan dhibka badan kuwa noo maleegaya shir-qooladana uu iyaga ku celiyo waxa ay xirxirayaan.

 

Qalimkii: C/qaadir Maxamed Nuur

Email: abdulkadir07@gmail.com

 

TIXRAACYO (REFERENCES)

www.wikipedia.org/wiki/Palestine

www.wikipedia.org/wiki/Kashmir

www.wikipedia.org/wiki/Ogaden

www.wikipedia.org/wiki/North_Eastern_Province_(Kenya)