Ilhaan Cumar oo dalbatay furniin

Published: October 8, 2019
Ilhaan Cumar iyo Axmed Xirsi

Ilhan Omar oo ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa dacwad furiin oo ka dhan ah seygeeda Axmed Xirsi u gudbisay maxkamadda gobolka Minnesota.

Khilaafkan soo kala dhex-galay Ilhaan iyo Axmed ayaa soo jiitamaysay ilaa bishii Augusto, kadib markii ay adkaatay wada-noolashahoodii, taasoo keentay in ugu danbeyntii ay furiinkan dalabato.

Ilhaan ayaa maxkamadda Minnesota u sheegtay in ” Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn “.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ilhaan Omar xiriir uu kala dhaxeeyo Nin lagu magacaabo Timothy MynettOlolaheedii doorasho ee ka mid noqoshada Congress-ka Mareykanka.

Laamanahan khilaafka qoys soo kala-dhexgalay ayaa isku dhalay Saddex carruur ah, iyaga oo is guursaday sanadkii 2002da, hasse ahaatee waxaa la sheegay in ay mar ay kala tageen guurkoodii hore kaddib, balse dib isugu soo laabteen sanadkii 2018ka.

Khilaafka Ilhaan iyo Axmed ayaa mudooyin ugu danbeeyay waxaa ad u hadal-hayay dadka isticmaala barasha bulshada, iyagoo aragtiyo kala duwan laga dhiibtay arintani.

Xuquuqda xogta – fox9 iyo Washingtonpost

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *