Ilhaan Cumar Oo Difaacday Qaranimada Iyo Midnimada Dhuleed Ee Soomaaliya

Published: January 28, 2024

Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ilhaan oo ka hadleysay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegtay in Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya.

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayey uga mahad celisay mowqifka uu arrintaas ka qaatay.

Horseed Media