Ilhan Cumar oo ku guuleysatey in ay noqoto musharaxa Dimoqraadiga ee Aqalka Kongress-ka

Published: August 15, 2018

Ilhan Cumar oo ahayd Xildhibaan ka tirsan gobolka Minnesota ayaa habeenkii xalay ku guuleysatey in ay noqota Musharaxa Xildhibaanka Aqalka Congress-ka maraykanka ee Xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Minnesota. Guusha Ilhan ayaa noqotey mid taarikhi ah.

Ilhan waxay u tartameysa bisha Nofeembar ee sanadkan 2018 aqalka Congress-ka, haddii ay ku guuleysato waxay noqoneysaa gabadhii u horeysey ee Muslim ah ee kamid noqota aqalka Congress-ka. Sidaan oo kale waxaa bishii hore ku guulesatey dorashadii hordhaca ee Xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Michigan gabadh kale oo Muslim ah oo la yiraahdo Rashida Tlaib.

Kursiga loo tartamayo waxaa horey u fadhiyey Rep. Keith Ellison oo hadda ka harey tartanka.

Ilhan Cumar waxay bisha Nofeembar kula tartanmeysaa kursiga musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Jennifer Zielinski. Ilhaan ayaa haysata fursad aad u weyn oo gobolka Minnesota ayaa ah kuwa Dimoqraadigu aad ugu xooga badan yahay, waxaana doorashadii xalay ay u ahayd guul hordhac ah oo ay gaartey.

Ilhan Cumar waa 36 jir, hooyo Soomaali-Ameerikaan ah oo leh saddex caruur ah, waxaana ay dalka Maraykanka ku tagtey qaxootinimo. bilowgii Sagaashamaadkii.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *