Ilhan Omar Aabaheed oo u Geeriyooday Coronavirus

Published: June 16, 2020

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan congress-ka maraykanka ayaa barteeda twitterka ku shaacisay in Aabaheed Nuur Cumar Maxamed uu ku geeriyooday magaalada Minnesapolis ee dalka Maraykanka.

Ilhan waxay sheegtay in Aabaheed uu u geeriyooday Cudurka Coronavirus ” Inna lillahi wa inna ilayhi raji’cuun , ma jiro ereyo aan ku qeexi karo qiimaha aabahay iigu fadhiyay” ayay tiri Ilhan Cumar.

Alle Naxariistii janno ha siiyee Nuur Cumar Maxamed ayaa la xanuunsanaa cudurka coronavirus maalmihii la soo dhaafay, waxaana la dhigay Isbitaalka hennepin county (HCMC), halkaasi oo ku geeriyooday shalay galab oo isniin ahayd

Alle Naxariistii janno ha siiye Nuur Cumar wuxuu ku dhashay degamada Bander bayla ee gobolka Karaak, waxaa uu ku soo barbaaray caasimadda Muqdisho , halkaasi oo uu kaga biiray Ciidamada Xooga Dalka Somaliya.

Nuur iyo gabadhisia xildhibaan Ilhan Cumar ayaa dalka Maraykanka galay 23 sanno ka hor, waxaana uu xiligaas ka hor ku nool xeryaha qaxootiga ee Kenya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *