Ilhan Omar oo markii labaad loo doortay Kongareeska Maraykanka

Published: November 4, 2020

Waxaa la dhameystiray tirinta cododka kursiga Degmada 5aad ee gobalka Minnesota ee laga soo doorto Xildhibaanada Soomaaliyeed ee Ilhan Omar oo markale si fudud uga guuleysatay murashaxiintii la tartameysay.

Ilhan Omar ayaa heshay 64,6% cododka la tiriyey iyadoo si fudud uga guuleysatay murashaxii xisbi Xaakimka ee Jamhuuriga, Ilhan ayaa horey uga soo guuleysatay murashaxiin kula tartamey xisbiga dimuquraadiga dhexdiisa kuwaasi oo la sheegay inay maalgelinayeen Tujaarta taageerta Maamulka Israel.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale ololihiisa sii gaar ah ugu weeraray Ilhan Omar iyo waliba guud ahaan Soomaalida, isagoo ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka shaqeeyaan inaan markale la dooran Ilhan Omar.

Inkastoo guusha Ilhan Omar lagu dhawaaqay waxaa weli socota tirinta cododka Doorashada Madaxweyna ee gobalada kala duwan ee dalka Maraykanka, waxaa sidoo kale loolankan adag uu ka socdaa kuraasta labada Aqal ee Kongareeska Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *