Ilyaas Sheekh Axmed oo loo doortay kursigii uu baneeyey Mahad Salaad ee Hop147

Published: February 1, 2023
Shares72

Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim ayaa loo doortay xildhibaanka kursiga hop147, kadib markii ay tanaasushey musharaxii la tartamayey Aamino Tahliil Warsame.

Doorashada kursigan waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka kala tiraan Dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashada kuraasta ka dhiman baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa ku dhawaaqey in ergada Cod gacan taag ah oo dhan 86-xubnood Ilyaas Sheekh lagu siiyey kalsoonida.

Kursigan waxaa baneeyay agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Salad.

Horseed Media