Imaaraadka oo diiday inuu kamid noqdo ololaha Maraykanka ee ka dhanka ah Ruushka

Published: March 22, 2022

Booqashadii asbuucii lasoo dhaafay uu Dubai iyo Abu Dhabi ku tagay Madaxweynaha Siiriya Bashar Al assad ayaa ahayd fariin imaaraatiga u dirayey Maraykanka oo uu horey xiriir weyn uga dhaxeeyey.

Imaaraatiga ayaa sidoo kale ka aamusay inay codkooda ka dhiibtaan Qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagu cambaareenayey duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Imaaraatiga ayaa u muuqda inuu hada qadanayo go’aamo ay danahooda gaarka ah ku eeganayaan halkii horey u taageeri jireen go’aanada kasoo baxa Washington.

Yemen

Abu Dhabi ayaa si weyn u dhaliilsan Maraykanka inuusan si buuxda gacan uga siin dagaalka wadanka Yemen ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, isla markaana duqeyntii Xuutiyiinta la beegsadeen Imaaraatiga horaantii sanadkan in Maraykanka uusan ka bixin jawaabtii ay ka filayeen.

Imaaraatiga ayaa ku guuleysan waayey olole ay ugu jireen in ururka Xuutiyinta caalamka looga aqoonsado urur Argagaxiso, arrintaasi oo ay kasoo horjeedeen ururada caalamiga ah ee gargaarka oo sheegay inay khatar ku noqon doonto hawlaha gargaarka ee dalka Yemen.

Batroolka

Imaaraatiga iyo Sacuudiga ayaa hada doonaya inay ka faa’iideystaan xiisada ka dhalatay dagaalka Ukraine oo keentay sare u kaca sicirka Batroolka.

Maraykanka ayaa ka codsaday Imaaraatiga iyo Sacuudiga inay sare u qaadaan batroolka ay soo saaraan si sicirka hoosloogu dhigo, balse Imaaraatiga iyo Sacuudiga ayaa sheegay inaysan waxna ka bedalayn cadadka saliida ay hada soo saaraan, taasi oo micnaheedu yahay inay dhaqaale badan ka helaan qiimaha shidaalka ee sare.

Warar soo baxay ayaa sidoo kale sheegaya in Sacuudiga uu wadahadal kula jiray Shiinaha in lacagta shiinaha uu ku bedalo lacagta lagu iibiyo saliida Sacuudiga oo horey dollarka wax ku iibin jiray.

Safarkii Bashar Al Assad ku tagay dalka imaaraatiga oo ahaa kiisii ugu horeeyey ee uu dal Carbeed ku tago tan iyo kacdoonkii Siiriya, ayaa waxaa dhaliilay Maraykanka walow Maraykanka uusan hada diyaar u ahayn cadaadis uu saaro dalalka Khaliijka xili Washington ku mashquulsan tahay ololaha ka dhanka ah Ruushka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *