Imaaraadka oo Ceelal-Biyo ka qodaya deegaanada laga saaray Shabaab

Published: November 25, 2023
Shares20

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo la kulmay guddoomiyaha SoDMa ayaa shaaciyey mashruucan.

Amb.Axmed Al-Rumaithi ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay gargaarka loogu talo galay shacabka ku nool gobalada dhexe.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa uga mahaceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay muddada dheer la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Horseed Media