Imaaraatiga, Baxreyn iyo Israel ayaa heshiis kuwada saxiixday Aqalka Cad ee Maraykanka

Published: September 16, 2020

Maalintii Salaasada ee shalay waxaa aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka heshiis kuwada saxiixday madaxda Imaaraatiga, Baxreyn iyo Israel

Heshiiskan oo loogu magac daray Abrah Accord waxaa ka soo shaqeeyay oo dhexdhexaadiintiisa lahaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxaana saxiixay Ra’isul wasaaraha Israel Benyamin Netanyaho iyo wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Baxrayn iyo Imaraadka.

“Sanado badan oo khilaaf iyo colaadi jirtay, waa cusub ayaa u baryay bariga dhexe, halkan galabta waxaan u joognaa inaan taariikh cusub Samayno” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Trump

Wuxuu sheegay inshan ama lix wadan oo kale ay doonayaan inay heshiis la gaaraan wadanka Isreal

Baxreyn iyo Imaraadka ayaan wax xaduud ah la wadaagin wadanka Isreal, waxa ayna ku biirayaan wadamada Masar iyo Urdun oo hore heshiis ula galay wadanka Isreal.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *