Imaaraatiga oo soo dhaweeyey dhex-dhexaadinta socota ee Sacuudiga & Qatar

Published: December 9, 2020

Dowlada Imaaraatiga ayaa soo dhaweysay waan wanta laga dhex wado dowlada Sacuudiga iyo Qatar, xili la sheegayo in dhawaan la filayo heshiis horudhac ah oo la dhex dhigo maamulada Riyadh iyo Doxa.

Wasiirul Dowlaha Arrimaha Dibada ee Imaaraatiga Anwar Gargash ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweenayaan dadaalada ay wadaan dowladaha Maraykanka iyo Kuwait ee lagu dhex dhexaadinayo xulafada Sacuudiga iyo Qatar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu rajeenayo in uu guul ku dhaco kulanka Wadamada Khaliijka ee GCC oo loo balansan yahay inuu dhaco dhamaadka bishan. Ururka GCC ayey ka tirsan yihiin dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn, Kuwait, Cumaan iyo Qatar.

Dhinaca kale dowlada Masar oo kamid ah xulafada Sacuudiga ayaa iyaduna sheegtay inay soo dhaweenayaan in la xaliyo khilaafkaasi soo socday sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Xulafada Sacuudiga oo ay kamid yihiin Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ayaa sheegay inay cunaqabateyn cirka, dhulka iyo badda ah kusoo rogeen wadanka Qatar oo ay ku eedeeyeen inuu taageero ururada ay u aqoonsan yihiin argagaxisada iyo waliba xiriirka dhaw oo ay Doxa la leedahay wadanka Iran.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *