Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2022/23 oo Puntland ka bilowdey

Published: June 10, 2023

Maanta oo taariikhdu tahay 10 bisha Jun 2023 waxaa dhammaan Puntland ka bilowday Imtixaankii Shahaadiga ee fasalka 4aad ee Dugsiga Sare iyo fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay imtixaanka fasalka 8aad fariisanayaan ardey gaareysa 15 092 ardey, iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare oo gaaraya 7 534 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho, guud ahaan tiradooda ayaa gaareysa 22 626 ardey.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay sidoo kale ardeydii gobolka Sool ay ku galayaan imtixaanaadka ilaa 7 gobood oo ka mid ah deegaanada Puntland, maadaama dagaalo ka socdaan gobolka Sool.

Puntland ayaa ka duwan gobolada kale ee dalka oo Muqdisho looga keeno imtixanaadka, taas oo Puntland horey u diidey.