In ka badan 30 qof oo ku dhintay laba tareen oo isku dhacay gudaha dalka Giriiga

Published: March 1, 2023
Shares7

Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhintay halka 85 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Laba tareen ay isku dhaceen waddanka Giriiga,

Tareen rakaab ah oo kasoo baxay magaalada Athens kuna socday waqooyiga magaalada Thessaloniki ayaa si xawli ah ugu dhacay tareen xamuul ah meel ka baxsan magaalada Larissa ee bartamaha Giriiga, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Thessaly.

Shilkan ayaa sababay in uu dab ka kaco qeybta rakaabka ah, waxaana gubtay dad badan oo rakaab ahaa, kuwaasi oo loola cararay isbitaalada.

Sababta keentay shilkan tareen ee ugu dhimashada badnaa Giriiga muddo tobanaan sano ah ayaan weli caddayn.

1972, 19 qof ayaa ku dhintay kadib markii laba tareen ay isku dhaceen meel ka baxsan Larissa.

Horseed Media