In ka badan 670 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay daka Papua New Guinea

Published: May 26, 2024
Shares108

In ka badan 670 qof ayaa ku dhintay dhul go’a weyn oo ka dhacay dalka Papua New Guinea, sida ay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ku qiyaastay maalintii Axadda iyadoo dadaallada samatabbixinta ay socdaan.

Warbaahinta dalka Koonfurta Baasifigga ee waqooyiga Australia ayaa hore u qiyaasay in dhul go’ii Jimcihii ay aaseen in ka badan 300 oo qof. Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa goor sii horeysay oo Axad maanta ah sheegtay in shan meyd oo kaliya laga soo saaray burburka.

Hay’addu waxay qiyaasta dhimashadeeda ku salaysay xogta ay bixiyeen mas’uuliyiinta tuulada Yambali ee gobolka Enga, kuwaas oo sheegay in in ka badan 150 guri ay ku aasan yihiin dhul go’ Jimcihii dhacay, Serhan Aktoprak, oo ah madaxa ergada hay’adda ee Papua New Guinea ayaa ku sheegay bayaan email ah.

In ka badan lix tuulo ayay saamaysay dhul go’a ka dhacay gobolka Mulitaka, oo qiyaastii 600 km (370 mayl) u jira caasimadda Port Moresby, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda iyo ganacsiga ee Australia.

“Dhulku wali wuu sii socdaa, dhagxaanta waa soo dhacayaa, carrada dhulka ayaa dildillaacaysa sababtoo ah cadaadiska joogtada ah ee sii kordhaya iyo biyaha dhulka ayaa socda sidaas darteed aagga ayaa khatar aad u weyn u ah qof walba,” ayuu yiri Aktoprak.

In ka badan 250 guri oo ka ag dhawaa ayaa dadkii daganaa ay ka tageen, kuwaas oo si ku meel gaar ah u hoyday qaraabadooda iyo asxaabtooda, ilaa 1,250 qofna waa ay barokaceen, ayay hay’addu sheegtay.

“Dadku waxay isticmaalayaan ulaha wax lagu qodo, birta, fargeeto beeraley ah oo waaweyn si ay uga soo saaraan meydadka ciidda hoosteeda ku aasan,” ayuu yiri Aktoprak.

IOM waxay sheegtay in la aasay in ka badan 100 guri, dugsi hoose, meherado yar yar iyo goobo ganacsi, guri martida, iyo kaalin shidaal.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Papua New Guinea ayaa sheegay in saddex meyd ah laga soo saaray aag ay ku burbureen 50 ilaa 60 guri, halka lix qof oo uu ku jiro ilmo yar laga soo saaray burburka iyagoo nool.

Waxa ay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadkii la aasay aan weli la helin, iyadoo dadaallada baadigoobka iyo samatabbixinta ay ka socdaan dhulka buuraleyda ah ee dalkaas, oo jasiiradda New Guinea la wadaaga Indonesia.

Horseed Media