In ka badan 70 qof oo ku dhimatey ciyaar ka dhacdey dalka Masar

Published: February 2, 2012

Ugu yaraan 74 qof ayaa ku dhimatey, halka 250 qof ay ku dhaawacmeen, kadib markii rabshado dhexmareen kooxo kala taageersanaa laba kooxood oo ciyaari ku dhexmareysey magaalada dekadda ah ee Port Siciid dalka Masar.

Boqolaal qof ayaa ciidanka Boolisku u qabteen rabshadaha dhexmarey taageerayaasha kooxaha Al-Masri iyo al-Ahli loo qabtey. Dhimashada u badan ayaa timid kadib markii taageerayaasha kooxda al-Masri ee ka dhisdan magaalada Port Said ay u degeen garoonka lagu ciyaarayey isla markaana weerar ku qaadeen ciyaaryahanadii kooxda al-Ahli ee ka dhisan magaalada Qaahira, waxaana qaybo badan oo garoonka kamid ah qabsadey dab xoog leh, rasaas la is weydaarsanayo ayaa laga maqlaayey jidka u dhexeeya Port Said iyo Qaahira.

Baarlamaanka dalka Masar ayaa maanta kulmaaya si ay uga wada hadlaan musiibadii ugu ba’├ñneyd ee soo foodsaarta ciyaaraha dalka Masar.

Xisbiga ugu weyn dalka Masar ee Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in taageerayaashii Madaxweynihii xilka laga tuurey ay ahaayeen kuwa rabshadaha bilaabey.

Kooxda Qaahira ka dhisan ee al-Ahli ayaa lagu yaqaanaa taageerayaal aad u edboon sida la sheegay waxayna qayb weyn ka ahaayeen mudaaharaadkii looga horyimid Xusni Mubarak sanadkii la soo dhaafey.

Waa khasaarihii ugu ba’anaa ee ka dhaca garoomada dalka Masar, waxayna arintani ku soo beegmaysa xili ay socdaan tartanka ciyaaraha ee Africa Nation Cup.

Horseed Media