In ka badan Boqol kun oo ka qaxay dagaalada ka socda Rafah, Gaza

Published: May 10, 2024

Dagaal culus ayaa ka socda dhulka koonfurta Gaza ee Rafah, iyadoo kooxaha Xamaas ay ridayaan gantaallo iyo hoobiyeyaal lala beegsanaayo ciidamada Israa’iil iyo taangiyadooda oo ku sii qulqulaya magaalada.

Qiyaastii 80,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay Rafah, kumanaan kalena waxay isku diyaarinayaan inay ka baxaan magaaladaasi ,iyadoo la tilmaamayo in duulaanka dhulka ee Israa’iil uu kor u sii kacayo.

Ciidamada Israa’iil ayaa La wareegay xuduudka Rafah, iyagoo sadexdii cisho ee la soo dhaafay xayiray gelitaanka gargaarka Gaza, waxayna cuuryaamiyeen hawlihii bini’aadanimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay haystaan dhammaan hubka ay uga baahan yihiin duulaanka dhulka ee Rafah ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in aysan siin doonin hub lagu weeraro Rafah.

Ugu yaraan 34,904 qof oo u badan caruur iyo haween ayaa lagu dilay Gaza, 78,514 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee bilowday 7-dii Oktoobar.