Indonesia: Mudaharaad looga soo horjeedo France

Published: November 2, 2020

Kumanaan kun oo shacab ah ayaa subaxnimadii Isniinta banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo dowlada France iyo Madaxweynaha Faransiiska ka dhigay magaalada Jakarta ee caasimada Indonesia.

Banaanbaxan ayey soo qaban qaabiyeen ururada islaamiga ah ee mayilka adag kuwaasi oo ku baaqay in la taageero ololaha ka dhanka ah dowlada Faransiiska iyo  Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey diinta Islaamka.

Waxaa sii socda banaanbaxyada looga soo horjeedo sawirada aflagaadada ah oo ay daabacday jariirad kasoo baxda France, taasi oo sababtay weeraro ka dhacay gudaha dalka Faransiiska todobaadyadii lasoo dhaafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *