Iran iyo dalalka Yurub oo dib u bilaabaya wadahadalka Nukliyeerka

3 days ago

Wareegga xiga ee wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo saddex waddan oo Yurub ah ayaa lagu wadaa in 13-ka Janaayo lagu qabto Geneva.

Iran ayaa wadahadalo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka ee lagu muransan yahay bishii November 2024 la yeelatay Britain, France iyo Germany.

Wadahadalladaas oo ahaa kuwii ugu horreeyay tan iyo doorashadii Mareykanka, ayaa yimid kadib markii Tehran ay ka carootay qaraar ay Yurub ku eedeysay Iran inaysan si fiican ulla shaqeyn hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka.

Tehran ayaa ka falcelisay qaraarka iyada oo ku wargelisay hay’adda IAEA in ay qorshaynayso inay qalab cusub oo badan ee kobciya Yuraaniyaamka ku rakibto warshadaheeda nukliyeerka.

Madaxa ilaalinta Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay Rafael Grossi ayaa sheegay bishii Diseembar in Iran ay “si weyn” u dardargelineyso tayeynta uranium-ka ilaa 60 boqolkiiba, oo ku dhow qiyaasta boqolkiiba 90 ee heerka hubka. Tehran ayaa beenisay inay dooneyso hubka Nukliyeerka, waxayna sheegtay in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed.

Sannadkii 2018, maamulkii Donald Trump ayaa ka baxay heshiiskii Nukliyeerka Iran ee 2015 lix quwadood oo waaweyn wada saxiixeen, waxayna dib u soo celiyeen cunaqabatayn Iran, taasoo keentay in Tehran ay jabiso xadidaada barnaamijkeeda nukliyeerka ee heshiiskaas.

Wadahadallada aan tooska ahayn ee u dhexeeyay maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Iran si ay isugu dayaan in ay dib u soo nooleeyaan heshiiska ayaa guul dareystay.

Horseed Media