Iran iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo ganacsi & Iskaashi ah

Published: February 23, 2022

Qatar iyo Iran ayaa kala saxiixday 14 heshiis intii lagu guda jiray safar laba maalmood qaatay oo Madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku tagay Doha toddobaadkan.

Hogaamiyaha Iran Raisi waxaa safarka ku wehliyey wasiirka Batroolka Javad Owji iyo Wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian, wafdigan ayaa sidoo kale ka qeyb galay shirka wadamada dhoofiya Gaaska (GECF) ee ka dhacaya caasimadda Qatar.

Raisi iyo Amiirka Qatar ayaa sidoo kale ka wada hadlay shirka Vienna ee lagu soo celinayo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran ay la gashay quwadaha adduunka 2015, taasoo Qatar ay taageertay iyo arrimo kale oo gobolka ah oo ay ka mid tahay Falastiin.

Iran iyo Qatar ayaa aad isugu soo dhawaaday tan iyo sanadkii 2017-kii kadib markii go’doominta ay Qatar ku soo rogeen Sacuudiga iyo dalalka kale ee Carabta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *