Iran: Mudaharaadka Shacabka oo sii socda maalintii lixaad

Published: January 2, 2018

Waxaa weli dalka Iran ka socda banaanbaxyada looga soo horjeedo dowlada, waxaana si kordheysa tirada dadka ku dhintay mudaharaadyada rabshadaha wata.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay mudaharaadyada oo sii xoogeystay Sabtidii lasoo dhaafay, banaanbaxyada oo ku fiday magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi gaar ahaan gobalada galbeedka, arrintan oo kadis ku noqotay xukuumada.

Madaxweyne Xasan Rowxani oo markii ugu horeysay ka hadlay kacdoonkan ayaa sheegay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay cabashadooda muujiyaan balse ka digay in khal khal la geliyo amniga dalka.

Inkastoo Madaxweynaha uu garawsho u muujiyey dadka banaanbaxaya, hadana dhinaca hay`adaha amniga ee dalkaasi ayaa sheegay in ay tilaabo adag ka qaadi doonaan dadka qaban qaabiyey banaanbaxyadan oo ay sheegeen inay ku lug leeyihiin dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Sacuudiga.

Dowlada ayaa hawada ka saartay in badan oo kamid ah baraha internetka walow aysan taasi hakin mudaharaadyada socda, waxaa sidoo kale jira boqolaal qof oo ay laamaha amaanka xabsiga dhigeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *