IRAN oo dil ku xukuntay ninkii bixiyey sirtii Jeneraalkii uu Maraykanka dilay ee Suleymani

Published: June 9, 2020

Dowlada Iran ayaa sheegtay inay dili doonto nin loo xiray inuu basaas u ahaa sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo Israel, kaasi oo lagu eedeeyey inuu bixiyey ama fududeeyey dilkii Maraykanka u geystay Taliyihii ciidamada Jamhuuriga Iran Gen.Qassem Suleymani.

Maraykanka ayaa diyaaradaha drone-ka u adeegsaday weerarkii lagu dilay Gen.Suleymani oo 3dii bishii Janaayo ka dhacay caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad, waxaana weerarkaasi sidoo kale lagu dilay mid kamid ah hogaamiyayaasha maleeshiyaadka Shiicada ah oo ay Iran hubeyso.

Afhayeenka uu hadlay Garsoorka Iran ayaa sheegay in ninkan lagu magacaabo (Mahmoud Mousavi-Majd) uu la shaqeenayey sirdoonka CIA iyo MOSSAD, isla markaana uu ahaa qofkii bixiyey sirta dhaq-dhaqaaqa Jeneraalka la dilay.

Macada ninkan xukunkan lagu riday xilka uu horey u hayey iyo inuu xiriir la lahaa koox kale oo gaaraysay 17 qof oo ay dowlada Iran Sanadkii hore u xirtay arrimo la xariira inay u basaasayeen dowlada Maraykanka.

Dilka Gen.Suleymani ayaa keenay in Iran iyaduna duqeyso Saldhigyada Maraykanka ku leeyahay dalka Ciraaq, waxayna ciidamada Iran sidoo kale si khaldan usoo rideen diyaarad laga lahaa wadanka Ukraine oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *