IRAN oo duqeysay Waqooyiga Ciraaq & Siiriya

Published: January 16, 2024
Shares88

Ciidamada Jamhuuriga ee IRAN ayaa xalay gantaalada ridada dheer ku duqeeyey xarun sirdoon oo ku taal magaalada Erbil ee ismaamulka Kurdida Ciraaq iyo gobalka Idlib ee dalka Siiriya.

Duqeyntan ayey Iran sheegtay inay la beegsatay saldhiga sirdoonka Mosaad ee Israel ku leeyihiin magaalada Erbil ee waqooyiga Ciraaq iyo Xarumaha kooxda Daacish ee gobalka Idlib, Siiriya.

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay duqeynta Erbil, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo kale.

Waa markii ugu horeysay oo ay ciidamada Iran si toos ah u duqeeyaan goobahan tan iyo intii ay bilaabatay xiisada duulaanka Israel ku qaaday Gaza.

Militariga Iran ayaa duqeyntan sidoo kale uga jawaabayey weeraradii bambaano ee horaantii bishan ka dhacay dalkooda oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Maamulka Kurdida Ciraaq ayaa weerarkan ku sheegay xad gudub madax-banaanida dalka Ciraaq, sidoo kale dowlada Federaalka ee Ciraaq ayaa cambaareysay duqeynta Iran ay la beegsatay magaalada Erbil.

Xarunta la duqeeyey ee magaalada Erbil ee lagu sheegay saldhig sirdoonka Mosaad ayaa sidoo kale u dhaw xarunta Qunsuliyada Mareykanka iyo Madaarka magaaladaasi.

Horseed Media