Iran oo sheegtay in Mareykanka uusan ka badbaadi doonin cawaaqib xumada ka dhalata Xasuuqa Falastiin

Published: October 27, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa Kulanka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka sheegay haddii aargoosiga Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta Marinka Qasa uu dhammaan waayo, markaas Mareykanka isagana uusan “ka badbaadi doonin dabkan halkaa ka shidma.”

“Waxaan si daacad ah ugu sheegayaa madaxda Mareykanka, ee hadda maamulaya xasuuqa Falastiin, in aanan soo dhaweyneynin in dagaalkan lagu balaadhiyo gobolka. Laakiin haddii xasuuqa Qasa uu sii socdo, lagama badbaadi doono dabkan,” ayuu ka sheegay shir ay isugu yimaadeen 193-ka xubnood ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Wuxu wasiirka intaas ku daray; Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato dadaalkan bini’aadantinimo ee muhiimka ah, oo ay ku weheliyaan Qatar iyo Turkiga. Isla-markaana codsiyada caalamiga ah lagu daro siideynta 6000 qof ee Falastiiniyiinta ah ee ku jira xabsiyada Israel.

Horseed Media