Iran oo xabsiga kasii deysay weriye Talyaani ah oo lagu magacaabo Cecilia Sala

20 hours ago

Tehran ayaa beenisay xadhiga Sala ee Diseembar 19 inuu xidhiidh la leeyahay ganacsade Iranian ah oo lagu xidhay Talyaaniga kadib amar ka yimid Maraykanka.

Iran ayaa sii deysay weriye Cecilia Sala ka dib saddex toddobaad oo xabsi ah, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

Xafiiska Meloni ayaa Arbacadii soo saaray qoraal uu ku sheegayo sii deynta Sala oo la xaqiijiyay in ka badan saddex toddobaad kadib markii la xiray 19-kii December.

Waxa la xidhay saddex maalmood ka dib markii ganacsade Iranian ah Mohammad Abedini lagu xidhay gegida dayuuradaha ee Milano ee Malpensa kadib waaran Maraykan ah.

Tehran ayaa beenisay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in xarigeeda uu la xiriiro Talyaaniga oo xariy ganacsade Iiraani ah oo Mareykanka uu ku eedeeyay inuu ku lug lahaa weerar lagu qaaday ciidankooda.

Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Abedini iyo nin kale oo Iiraani ah in ay Iran siiyeen tignoolajiyada aan duuliyaha lahayn, taasoo loo adeegsaday weerar bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii lagu qaaday saldhig Mareykanka uu ku leeyahay dalka Urdun, laguna dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Horseed Media