Iran: Xukun Dil ah oo Lagu Fuliyay Sarkaal Lagu Helay inuu u Basaasayay CIA

Published: July 14, 2020

Dowladda Iiran ayaa xukun dil ah ku fulisay Sarkaal lagu helay inuu u basaasayay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, sida ay sheegtay wakaalada wararka ISNA

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Reza Asgari ayaa ahaa qandaraasle u shaqaynayay Hay’ada hawada ee wasaaradda Difaacada ee wadanka Iiran, waxaana lagu helay inuu ka iibiyay hay’ada CIA ee Maraykanka macluumaad la xiriira Barnaamijka gantaalaha Iiran

Wakaalada ISNA waxay sheegtay in Maxkamad Milateri ay ku heshay inuu basaas u ahaa Maraykanka, islamarkaana lagu toogtay Xabsiga Rajayi Shahr oo ku yaal magaalada Karaj oo ku taal galbeedka caasimadda Tehran.

ISNA ma sheegin goorta la xiray iyo waqtiga dilka lagu fuliyay Reza Asgari, hase yeeshee, Wasaaradda Gashaandhiga Iiran ayaa baabiisay qandaraaskii uu sarkaalkan kula shaqaynayay 9 sanno ka hor.

Sanadkii hore, dowladda Iiran waxay sheegtay inay qabteen 17 Sarkaal oo lagu eedeeyay inay u jaajuusayeen hay’adda sirdoonka Maraykanka iyo iiraan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *