Iraq: Askar Maraykanka iyo Ingiriis oo Duqayl lagu Dilay

Published: March 12, 2020

Saddex askari oo ka tirsan xulfada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa lagu dilay weerar gantaalo ah oo lagu soo qaaday xerada milatriga ee Taaji oo ku taala waqooyiga magaaladda Baqdaad

Weerarkan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 12 Askari sida lagu sheegay warsaxafadeed ay soo saareen ciidamada isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ee ciraaq ku sugan.

” labo ka mid ah Askarta geeriyootay waa Maraykanka, Midna wuxuu u dhashay Britian, weli waxaa socda baaritaan” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Ilaa 15 gantaal ayaa lagu soo tuuray xerada ciidamada sida uu sheegtay afhayeen u hadlay ciidamada isbahaysiga Col. Myles Caggins

Ma jirto koox ama dowlad sheegatay in ay Weerarkan ka dambeeyeen, sidoo kale weli isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo kama hadlin cida iska leh masuuliyada weerarkan.

Xiisada u dhexeeysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa aad u saraysay tan iyo markii uu Maraykanku uu duqayn cirka ah ku dilay General Sulaymaan Qaasimi oo ahaa taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada kacaanka Iiraan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *